Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suuq Addoonsi oo ka furmay Libya


Migrants rides in a truck before they are transported to a detention center, in the coastal city of Sabratha, Libya, Oct. 7, 2017.
Migrants rides in a truck before they are transported to a detention center, in the coastal city of Sabratha, Libya, Oct. 7, 2017.

Ururka Midowga Africa ayaa Jimcihii shalay ugu baaqay Masuuliyiinta Libya inay baaris ku sameeyaan – suuqyo adoonsi oo la sheegay in Muhaajiriinta Madowga ah lagu kala iibsado oo ku yaala dalka Libya.

Baaqa Midowga Africa ayaa yimid ka dib markii Telefishinka CNNta ee dalkan Mareykanka laga sii daayay muuqaalo naxdin badan oo muujinayay dhalinyaro afrikan ah oo lagu kala iibsanayo suuq xaraash ah dalka Lybya.

Sida ka muuqatay muuqaaladaa, dhalinyarada ayaa laga iibinayay dad ka soo jeeda dalalka Waqooyiga Africa

Dhalin yaradaas ayaa la sheegay in lagu kala iibsanayay lacag 400 oo dollar ah midkiiba – si ey uga shaqeeyaan dhul beereed ku yaala meelaha ay ka soo jeedaan dadka iibsanayay.

Madaxweynaha Dalka Guine Alpha Conde, oo hadda ah, Madaxa Ururka Midowga Africa ayaa dalbaday in baaritaan la soo sameeyo, cidii ku lug yeelata – falkan oo uu ku tilmaamay mid aad u fool xun –oo laga soo min guuriyay waqtigii qadiimiga ahaa- sharciga lala tiigsado.

Dhinaca kale, dowladda Senegal ayaa fariin ay soo dhigtay Bogga Faceboogga ku tilmaantay falkan mid naxdin badan oo ku soo kordhay Libya oo horey xarun ugu aheyd dhibaateynta dadka ka soo jeeda dhulka Africa ee Saxaraha ka hooseeya.

XS
SM
MD
LG