Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado ka dhacay qeybo ka mid ah Somaliland


Rabshado kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka iyo dadweyne samaynayey isu-soo baxyo.

Rabshadahan ayaa billaabmay ka dib markii galabnimadii shalay ay warbaahinta la hadleen mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani oo eedayn u jeedinayey Guddida Doorashada ee Somaliland.

Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa ka hadlay eedaymahaas, sidoo kalena laamaha ammaanka ee Somaliland ayaa ka hadlay rabshadaha dhacay.

Haddaba warbixin arrintaas ku saabsan waxaa Hargeysa innooga soo diray Ismaaciil Xuseen Farjar.

Dhageyso warbixinta Ismaaciil Farjar
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:53 0:00

XS
SM
MD
LG