Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tababarihi Xulka Talyaaniga oo La Eryay


Giampiero Ventura
Giampiero Ventura

Xiriirka kubadda cakta Talyaaniga ayaa shaqada ka ceyriyay tababarahihi xulka qaranka Giampiero Ventura, kadib marki uu ku dhacay inuu xulka Talyaaniga usoo saaro ciyaaraha aduunka ee sanadka 2018-ka.

Italia ayaa ku guuldarreysatay inay garaacdo xulka Sweden laba is arag oo ay la dheeleen. Waxay aheyd marki ugu horreysay muddo 60 sana ah oo aysan Talyaaniga ka qeybgaleyn Koobka Aduunka.

Dhinaca kalana, warbaahinta Talyaaniga ayaa ku warrantay in xiriirka kubadda cakta uu billaabay wadahadallo uu la leeyahay Carlo Ancelotti oo ah tababare khabiir ah, si uu u baddelo macalinka shaqada laga ceyriyay.

XS
SM
MD
LG