Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Australia oo Usoo Baxday Koobka Aduunka


Xulka kubadda cakta ee Australia
Xulka kubadda cakta ee Australia

Xulka qaranka Australia ayaa marki afraad oo xiriir ah usoo baxay maanta ciyaaraha aduunka ee sanadka soo socda ee 2018-ka ka dhici doona dalka Russia, kadib marki ay 3-1 ku garaacen xulka Honduras.

Is aragi hore ee labadan xul oo ka dhacay dalka Honduras ayaa kusoo dhamaaday 0-0 ah, laakin kulanki maanta oo ka dhacay magaalada Sydney ayaa ka duwanaa kii todobaadki hore.

Goolka hore waxaa kooxdiisa Honduras ka dhaliyay Henry Figueroa, goolasha kalana Australia waxaa siiyay ciyaaryahan Jedinak.

Austrlia ayaa noqday xulki 31-aad ee usoo baxay ciyaaraha aduunka ee sanadka danbe, waxaa la sugayaa mid ka mid ah xulalka Peru iyo New Zealand. Is aragi hore waxay labada dal isku mari waayeen bar barro 0-0 ah.

XS
SM
MD
LG