Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kheyre iyo wafti la socda oo tagey Baraawe


Safarka Kheyre ee Baraawe
Safarka Kheyre ee Baraawe

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xassan Sheekh Aaden, Ergeyga QM ee Soomaaliya Micheal Keating, Madaxa howlgalka Midowga Africa ee Soomaali , Francisco Madeira, iyo xubno ka socday beesha caalamka, ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa wararku sheegayaan in ka hor inta aysan ka deign garoonka Baraawe ay halkaasi ku soo dhaceen hoobiyeyaal loo maleynayo inay ku soo tuureen maleeshiyada ururka al-Shabaab.

Ujeedada Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu dhagax dhigo mashruuc garoon caalami ah loogu dhisayo Baraawe.

Wariyeheenna Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa arrintan ka wareystay, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo ku suggan Magaalada Baraawe.

Kheyre oo tagey Baraawe
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:30 0:00

XS
SM
MD
LG