Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waa kuwee dalalka illaa iyo hadda u soo baxay koobka adduunka, 2018?


Ka dib ka haritaankii Talyaaniga koobka kubadda cagta adduunka, waxa illaa iyo hadda xaqiijiyay inay Ruushka iska xaadirin doonaan 28 waddan ee 32-ka waddan ee guud ahaan ka qeyb gali doona koobka adduunka.

Dalka Brazil, oo shan jeer koobkan ku guuleystay ayaa waxa uu xaqiijiyay usoo bixista koobkan mar kale, waxana la mid ah dalkaasi Jarmalka oo isaguna difaacanaya koobkan.

Dalalka kale ee koobkan xaqiijiyay in ay ka qeyb gali doona waxay kala yihiin:

Argentina, Belgium, Colombia, Costa Rica, Croatia, Egypt, England, France, Iceland, Iran, Japan, Mexico, Morocco, Nigeria, Panama, Poland, Portugal, Saudi Arabia, Senegal, Serbia, South Korea, Spain, Sweden, Switzerland, Tunisia iyo Uruguay.

Dalal kale, ayaa wali dheelaya ciyaaraha kala baxa, waxana la filaya inay soo dhameystirmaan toddobaadyada soo socda.

XS
SM
MD
LG