Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari uu waday qof isa soo miidaamiyay uu weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Amisom, oo marayay halka lagu magacaabo Weydoow oo ka tirsan deegaanka Garas Baaleey.
Wariyeheenna Axmed Xassan Colaad ayaa warbixintan goor dhow Muqdisho ka soo diray.