Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga doorashada Somaliland oo ka hadlay tirinta codadka


Somaliland election
Somaliland election

Guddida doorashada Somaliland oo goor dhawayd warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in sanaaduuqdii codbixintu ay soo wada gaadheen goobihii degmooyinka, isla markaana ay bilaabantay tirinta codadku, marka laga reebo Hargeysa.

Guddoomiyaha guddidaas Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Afhayeenka Siciid Cali Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale bulshada uga digay faafinta warar aanay hubin oo natiijada la xidhiidha.

Shirkaa-jaraa'id ka dib, ayaa weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye wuxuu waraystay Afhayeenka guddidaas Siciid Cali Muuse, waxaanu ugu horrayn waydiiyay ujeeddada ay warbaahinta ugu yeedheen.

Dhageyso wareysiga Saciid Cali Muuse
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:52 0:00

XS
SM
MD
LG