Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Talyaaniga oo Usoo Bixi Kari Weyday Koobka Aduunka


buffon
buffon

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa ku guuldarreystay inuu usoo baxo ciyaaraha adduunka ee sanadka 2018-ka dhici doona dalka Russia, kadib marki ay ka badisay kooxda qaranka Sweden.

Labada xul ayaa dheelay laba is arag. Lugti hore Sweden ayaa 1-0 kusoo badisay, halka kulanki xalay oo ka dhacay magaalada Milano ay Italy iyo Sweden ku kala baxeen bar barro goolal la,aan ah.

Waa marki ugu horreysay oo ay Talyaaniga usoo bixi waayaan koobka aduunka tan iyo sanadki 1958-ki.

Guuldarrada xanuunka badan ee soo gaartay Talyaaniga ayaa waxaa ay sababtay inuu ciyaaraha caalamiga ah ka fariisto kabtanka xulka qaranka ahna goolhayaha ugu wanaagsan caalamka Gianluigi Buffon.

Buffon oo ooyin garoonka uga baxay ayaa ka raali geliyay dadka Talyaaniga ah natiijada ay soo hooyeen xulka qaranka. Wuxuu sheegay inuu ka xunyahay in ka fariisashadiisa ciyaaraha caalamiga iyo guuldarradani ay isku soo beegmeen.

Waxaa sidoo kale iyana ku dhawaaqay inay ka fariisteen ciyaaraha caalamiga ah, ciyaartooyda kala ah, Andrea Barzagli, Daniele de Rossi iyo Giorgio Chiellini.

Tababaraha xulka qaranka Talyaaniga Giampiero Ventura oo si weyn loogu eedeeyay guuldarrada soo gaartay xulka Talyaaniga ayaanan wali is casilin, balse waxaa aad loogu maleynayaa inuu is casili doono ama la ceyrin doono.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa si weyn uga hadashay dhabarjabka ku dhacay ciyaaraha Talyaaniga.

Wargeyska La Gazzetta dello Sport oo lagu tilmaamo kan ugu afka dheer dhinaca Isboortiga Talyaaniga ayaa bogiisa hore cinwaan uga dhigay “Dhamaadki Aduunka” oo uu ugala jeeday dhamaadki xulka Talyaaniga ee ka qeybgalka koobka aduunka.

Mid ka mid ah afar tababare oo dhamaantood khabiirro ku ah kubadda cakta ayaa loo saadaalinayaa inuu qaban doono xilka macalinnimo ee xulka qaranka Talyaaniga.

Tababarayaashaan ayaa kala ah Carlo Ancelotti, Antonio Conte, Roberto Mancini iyo Massimiliano Allegri.

XS
SM
MD
LG