Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Codeynta doorashada Somaliland oo si wanaagsan u dhacday


Somaliland election
Somaliland election

Goobaha codbixinta ayaa xirmay Somalialnd, waxaana haatan socota tirinta codadka. Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa sheegay inay guud ahaan doorashadu u dhacday si nabadgelyo ah, waxayna sheegeen inay ogaadeen oo keliya shil ka dhacay goob codbixin oo ku taalla Gobolka Togdheer oo ugu yaraan qof ku dhaawacmay askari ay rasaas ka fakatay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Cabdulqaadir Iimaan Warsame ayaa saxaafadda ugu sheegay magaalada Hargaysa in doorashadu ay tahay mid taariikhi ah, isla markaana ay dadweynaha reer Somaliland guteen waajibaadkoodii.

Waxa uu ugu baaqay musharraxa ku guulaysta doorashada inuu ugu adeego dadka sida loogu adeegay looguna ololeeyey si la mid ah.

Saddexda musharrax ayaa ka codeeyey magaalada Hargaysa, halkaasi oo ay dhammaantood ku dhasheen.

Dhinaca kormeerayaasha caalamiga ah ayaa iyaguna sheegay inay doorashadu u dhacday guud ahaan si wanaagsan inkastoo ay sheegeen inay jiraan shilal dhacay.

Mid ka mid ah guddiga kormeerka caalamka ayaa VOA u sheegay in shil uu ka dhacay goob codbixin oo ku taalla magaalada Hargaysa, waxayna sheegeen in taasi ay dib u dhac ku ridday xiritaanka goobta, inkastoo aan weli faahfaahinta sida shilku u dhacay la wada helin.

Waxaa kale oo kormeerayaashu sheegeen in qaar ka mid ah axsaabtu ku dacwoodeen in dad cod dhiiban lahaa laga hor istaagay inkastoo ay sheegeen inaysan ahayn arrin si baahsan u dhacday.

Guud ahaan waxay sheegeen kormeerayaashu inay ku faraxsanaayeen inay u suurogashay inay wada gaadhaan goobaha codbixinta Somaliland iyadoo aan wax shil ah oo weyn dhicin.

In ka badan 700 kun oo qof ayaa codaysay waxaana la filayaa in dadka usoo baxay inay codkooda dhiibtaan ay badnaayeen.

XS
SM
MD
LG