Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man Utd oo Dooneysa Asensio


 Marco Asensio
Marco Asensio

Sida ay ku warramayaan qaar ka mid ah warbaahinta dalalaka Ingiriiska iyo Spain, kooxda Manchester United ayaa u xusul duubaneysa sidii ay u keeni laheyd laacibka da,da yar ee Real Madrid Marco Asensio.

Macalinka kooxda Manchester Unted, Jose Mourinho ayaa ka dalban doona maamulka kooxda in ay u diyaariyaan lacag dhan 177 milyan oo Pound-ka Ingiriiska ah.

Hadii ay lacagahaasi ku iibsato, wuxuu xidigaan da,da yar ee dalka Spain noqon doonaa laacibki ugu qaalisanaa ee ay United abid soo iibsato.

Laacibka ugu qaalisan ee ay Manchester United soo gadatay ayaa ah Paul Pogba oo ay 89 milyan oo gini kaga soo iibsatay kooxda Juventus.
Assensio oo ah 21 jir ayaa lagu wadaa in mustaqbalkiisa uu go,aan ka gaaro marka la gaaro bisha June ee sanadka 2018-ka.

XS
SM
MD
LG