Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo dooraneysa madaxweyne cusub


Somaliland election
Somaliland election

Dadweynaha Somaliland ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta, ayaga oo dooranaya madaxweynaha cusub ee Somaliland.

Illaa saddex musharax ayaa ku tartameysa doorashada maanta dhaceysa, waxaana ay kala yihiin Cabdiraxmaan Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa waxa uu matalayaa maamulka iminka talada haya ee Kulmiye, ayada oo Cabdiraxmaan Cirro uu ka socdo xisbiga Waddani, halka Faysal Cali Waraabe uu ka tirsan yahay xisbiga UCID.

Doorashada Somaliland, ayaa ka qabsoomeysa illaa Kun iyo lix boqol iyo laba iyo afartan (1,642) goobood oo ku kala yaalla gobollada Somaliland.

Waxaana doorashada ka hawl-gelaya in ka badan 18,000 oo isugu jira shaqaalaha guddiga doorashada iyo hawl-wadeenada goobta codbixinta.

Saddexda musharax ee codbixinta ku loolamaya ayaan la saadaalin karin cidda guuleysaneysa, ayada oo aysan jirin ra’yi uruurin dadweyne oo la sameeyey ka hor doorashada oo laga tusaale qaadan karo.

Warbixintan waxaa noo soo diray Ismaacil Farjar

Warbixinta Ismaaciil Farjar
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:04 0:00

XS
SM
MD
LG