Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DF: Waxaan Dilnay 81 Al-shabaab ka Tirsan


Shabaab
Shabaab

Dowladda Somalia ayaa maanta sheegtay in howlgal ay ciidankeeda amnigu ay sameeyeen lagu dilay xubno ka tirsan ururka al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiya xero ay al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

War qoraal ah oo bartiisa twitter-ka uu so dhigay wasiirka warfaafinta ee dowladda Somalia Cabdriaxmaan YAriisow ayaa lagu sheegay in Weerar qorshaysan oo hay'adaha amniga ay ka fuliyeen Degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada lagu dilay 81, isla markaana lagu burburiyay tiro baabuurta dagaalka iyo waliba hubka culus.

Wasiirka ayaa qoraalka ku sheegay in ciidanka lagu dilay howlgalkan ay ahaayeen kuwa loo diyaarinayay inay weerarro ka geystaan gobolka Gedo.

Warka ay dowlada kasoo saartey weerarkan lagu qaadey Alshabaab, lama sheegin sida uu u dhacay, wakhtigu uu dhacay iyo walica ciidanka fuliyay siday u fuliyeen.

Deeggaanada ku hareeraysan Jilib waxaa gacanta ku haya maleeshiyada alshabaab, waxaana adag in halkaasi dhulka laga weeraro.

Afhayeenka ururka al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa beeniyay qoraalka wasiirka warfaafinta ee Somalia, wuxuuna ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Dhageyso Dilka Alshabab
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:46 0:00

XS
SM
MD
LG