owladda Somalia, midowga Africa iyo waliba wakiiladda dowladdaha Somalia taageera ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay shir looga hadlay xaaladda amniga Somalia iyo sidii wax looga qaban lahaa. RW Somalia, Xasan Kheyre oo shirkaasi hoggaaminayay ayaa beesha caalamka ka codsaday inay si deg-deg ah u taageeraan cidiamada Somalia iyo kuwa AMISOM, oo howlgal dagaal kula jira kooxda al-Shabaab.
Shirkan maanta ayaa ku soo beegmay iyadoo AMISOM ay toddobaadkii hore ku dhawaaqday inay yareynayso ciidankeeda jooga Somalia. Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan baarlamaaka Somalia ayaa kulankaasi dadkii ka qeybgalay ka kid ahaa, Maxamed Cabdi Xasan ayaa khadka taleefonka ku warystay.
Facebook Forum