Musharraxiinta u tartamaya doroashada madaxtinimada Somaliland ayaa maanta shir jaraaid oo ay ku qabteen xarunta guddiga doorashada ayaa oggoaalday in si KMG ah loo xidho baraha bulshada inta ay socoto tirinta codadka doorashada, go’aankaasi oo shalay ka soo baxay guddiga doorashada.
Musharrixiintan ayaa sidoo kale uga digay maamulka Puntland inay khalkhal galiyaan doorashada Somaliland.
Dhinaca kalena, kormeerayaasha Caalamiga ah ee ka qaybgelaya doorashada Somaliland ayaa maanta u kala ambabaxay goobaha ay ku sugnaan doonaan maalinta doorashadu dhacayso oo ku beegan maalinta Isniinta ah. Haddaba Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa warbixintan ka soo diray Hargeisa.
Haddaba Sagal Mustafe Xasan iyo Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa warbixino arrimahaas ka hadlaya inoo haya.