Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno Shabaab ah


ڈرون حملہ
ڈرون حملہ

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in tiro ka mid ah maleeshiyada ururka al-Shabaab ee Soomaaliya ay ku dileen duqeyn ay khamiistii shalay ka fuliyeen meel ka mid ah gobolka Baay.

Afahayeen u hadashay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee –Pentagon- oo la yirahdo Aricia Harris ayaa u sheegtay VOA in duqeyntaasi oo ay geysatay dayuurad Drone ah ay ka dhacay meel qiyaastii 160 km galbeedka kaga beegan magaalada Muqdisho.

Harris waxey intaasi ku dartay in cid rayid ah aysan wax ku noqon duqeynta.

Sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM), duqeynta ayaa dhacday abaare saddexdii galabnimo xilliga Soomaaliya, iyadoo ay isla abaabuleen Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.

Warka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu yiri "Ciidamada Mareykanku waxey sii wadayaan inay adeegsadaan awood kasta oo ay heli karaan iyo talaabo kasta oo ku haboon – si ey u difaacaan danaha iyo ammaanka Mareykanka, islamarkaana ay u curyaamiyaan halista argagixisada.”

Duqyntan ayaa imaaneysa wax ka yar toddobaad markii Mareykanku uu duqeyn la beegsaday maleeshiyada Daacish ee ku suggan buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland, gaar ahaan tuulada Buqo oo 60 km koonfur ka xiga Qanadala.

XS
SM
MD
LG