Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali ku biiri rabay ISIS oo la sii daayey


U.S. courthouse, Minneapolis building.
U.S. courthouse, Minneapolis building.

Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Abdullahi Yusuf oo ka mid ahaa sagaal dhalinyaro Soomaali ah oo ay FBI-du qabatay, iyaga oo doonayey inay ku biiraan ururka Daacish ee dalka Syria, ayaa shalay laga sii daayey guri ku meel gaadh ah oo ku xirnaa, waxaana uu markii ugu horraysay dib ugu laabta gurgiisa.

Abdullahi Yuusuf oo haatan 21 jir ah waxaa la qabtay sanandkii 2014-ka, isaga oo doonayey inuu ka baxo garoonka Minnesota, waxaase uu markii dambe wada shaqayn la sameeyye hay’adaha amniga isagoo ku martqaati furay saaxiibadiis, waxaana taasi darted laga khafiifiyey xukunka.

Waxa uu noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee ka tirsan dhallinyarada doonaysay inay ku biirto ISIS ee la sii daayo.

Mid kale oo ka mid ah dhallinyarada iskaashiga la sameeyey booliiska ayaa xabsiga laga si dayn doonaa bisha Maarso ee sanandka dambe.

Afar ka mid ah dhalinyaradaasi waxay ku jiraan xabsiyo min toban sano ah, halka saddex kale oo ay ku xukuman yihiin xabsiyo u dhexeeya 30-35 sano.

XS
SM
MD
LG