Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaakim Cabdiqawi oo dib loogu doortay golaha garsoorka maxkamadda HAGUE


Garsoore Abdulqawi
Garsoore Abdulqawi

Xaakimka Soomaaliyeed ee Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa mar kale dib loo doortay inuu garsoore ka ahaado maxkamadda caalamiga ah ee garsoorka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague.

Garsoore Cabdulqawi ayaa maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana mar kale dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaasi, sida ay VOA u xaqiijiyeen saraakiil Soomaali ah oo ku sugan New York.

Cabdulqawi ayaa ka mid ahaa shan garsoore oo khamiistii uu cod u qaaday Golaha Guud ee Qaramada Midobay ee magaalada New York.

XS
SM
MD
LG