Isku xirrada

Howlgallo ka dhan ah Shabaab oo ka socda labada Shabeelle


Shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa wada howlgal ay ku baacsanayaan maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ay toddobaadkii hore ka billaabeen inta u dhaxeysa gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaal xalay ciidamada iyo Al-Shabaab dhex marayay ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo shan qof.

Haddaba wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa wararkii ugu dambeeyay ee howlgalkaasi ka wareystay gudoomiyaha degamada Afgooye C/naasir Caalim Ibrahim.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG