Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tillerson: Khilaaf uma dhaxeeyo Mareykanka iyo Shiinaha


Rex Tillerson
Rex Tillerson

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson ayaa sheegay “inuusan jirin khilaaf ku saabsan Korea-da Waqooyi” oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha, kadib wada-hadallo Bejing ku dhex maray madaxweyne Trump iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping.

Tillerson oo Trump ku wehliya socdaal uu ku joogo Beijing, ayaa weriyayaasha la hadlay kadib markii labada hoggaamiye ay yeesheen wada-hadallo diiradda lagu saaray Korea-da Waqooyi iyo ganacsiga.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha xuquuqda aadanaha iyo muranka Badda Koonfurta Shiinaha.

Tillerson ayaa sheegaya in Shiinaha ay caddeeyeen intii ay wada-hadallada socdeen inaysan marnaba aqbali doonin Korea-da Waqooyi oo ku hubeysan hub Nuclear ah.

“Ma jiro wax farqi ah oo u dhaxeeya ujeedooyinkeena” ayuu yiri Tillerson.

Trump ayaa ku yiri Xi “Waxaad tahay nin xooggan, waxaana rajeynaa inaad dhibaatadan ila xalin doontid”



XS
SM
MD
LG