Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Waxbarashada oo lacag la'aan laga dhigayo


Masuuliyiinta waxbarashada dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in sanadka soo socda guud ahaan dugsiyada waxbarasho ee Kenya, gaar ahaan dugsiyada Hoose ilaa Sare laga dhigi doono lacag la’aan.

War ka soo baxay wasaaradda waxbarashda Kenya ayaa intaasi ku daray sidoo kale in waalidiinta laga fudaydin doono kharashka kaga baxa waxbarashda ardaydoodu dhigta dugsiyada loo hoydo iyo kuwa maalintii laga tagoba, oo ay dawladdu bixin doonto qayb ahan kharashka ku baxa adeegyada waxbarasho.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo ardayda dugsiyadda sare ee dalka Kenya ay u fadhiyaan Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare.

Wariyaha VOA Yaasiin Ciise Wardheere ayaa warbixintan ka soo diray Nairobi.

Warbixin: Yaasin Ciise Waredheere
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:01 0:00

XS
SM
MD
LG