Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo ku baaqday in la joojiyo shirka Somalia Oil


golaha wasiirada
golaha wasiirada

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa ku baaqay in la joojiyo shir la sheegay in horraanta sannadka soo socda lagu qaban lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayo saliidda, gaaska iyo macdanta Soomaaliya.

Wasiirka Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa warqad uu u qoray shirkad lagu magacaabo International Research Network oo la sheegay inay shirkaasi qabanqaabinayo ugu sheegay qoraal ay heshay VOA in wasaaraddu aysan waxba ka ogayn, waxna ka qorshaynin shirkaasi loona baahan yahay in degdeg looga noqdo.

Wasiirka ayaa sidoo kale lasoo xiriiray idaacadda VOA-da isago sheegay inaanu waxba ka ogayn shirkaasi oo la sheegay oo warqad la sheegay in ay kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha muujisay in shirkaasi Soomaaliya uu ka qaybgali doono Ra’iiusl Wasaaraha iyo Wasiirka batroolka.

Wariyaha VOA-da Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayuu wasiirku ugu warramay khadka taleefanka isagoo jooga Muqdisho.

Dhageyso wasiirka batroolka Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:04 0:00

XS
SM
MD
LG