Isku xirrada

Odayasha soo xuley xildhibaannada oo dallad sameystay


Labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa aas aas u ahaa 130 oday dhaqameed oo soo xulay ergaddii soo doortay xubnahaas.

19 ka mid ah odayaashaas ayaa geeriyooday oo siyaabo kale duwan loo dilay, waxaa kaloo la dilay qaar badan oo ka mid ah ergooyinkii ay odayaashaa soo xuleen.

Arrintan keentay in odayaasha ay amaankooda u baqaan oo ay ka gaabiyaan arrimihii nabdeeynta iyo ku wacyigelinta bulshada ee sidii xasilooni dalka loogu heli lahaa.

Hadaba maanta ayaa Dalad ay ku midoobeen odayaashaas waxey Muqdisho ka so saartay war murtiyeed ay dadka ugu baaqayaan inay dowladda taageeraan kana shaqeeyaan amaniga.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa baaqooda ka wareystay, Xoghaya daladan Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xassan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG