Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tacaddiyada loo geysto weriyayaasha oo kordhay


Muqdisho
Muqdisho

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 11-kii sanadood ee la soo dhaafay, in ka badan 900 oo wariye ayaa lagu dilay dunida iyagoo howshooda shaqo wata.

Waxaase walaaca uu ka taaganyahay in 10-kii kiisba kaliya mid ka mid ah loo maxkamadeeyo kuwii geystay.

Dambiyada laga galo wariyeyaasha oo lala baxsado, waxey dhiirigelisaa kuwa dambiyadaa ku kaca taasoo saameyn ku yeelata bulshada iyo ililhii ay wararka ka heli jireen.

Hadaba maanta waxey ku beegantahay, maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka isu ciqaab la’aanta dambiyada laga galo wariyeyaasha. Waxaana laga xusay meelo badan, oo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho.

Wariyeheenna Jaamac Buule Jaamac ayaa arrintan ka wareystay, Maxamed Ibrahim Mucalimuu, Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo NUSOJ.

Tacaddiga Wariyayaasha oo Laga Doodey
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:28 0:00

XS
SM
MD
LG