Isku xirrada

Kane oo safan doono kulanka Real Madrid


Harry Kane

Tababaraha kooxda Tottenham Mauricio Pochettino ayaa si aad ah ugu kalsoon in Harry Kane uu safan doono kulanka ay uga hortagayaan kooxda Real Madrid, habeenka arbacada.

Weeraryahanka xulka qaranka England ayaa seegay kulankii ay kooxda sabtidii la yeelatay kooxda Manchester United, kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Liverpool.

Si kastaba laacibkan ayaa kusoo laabtay tababarka kooxdiisa, waxaana la qiimeyn doonaa ka hor kulanka habeen dambe.

Pochettino ayaa sheegay “Waxaan ku kalsoonnahay inuu safan doono, waan qiimeyn doonaa laakiin wuxuu hadda ku jiraa liiska”

“Waxaan filaa in la heli doono habeen dambe, balse 100% ma ballan qaadi karno, taasna waxaan eegi doonnaa” ayuu yiri Pochettino.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG