Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daniel Sturridge oo Sugi La' Kulankiisii ugu horeeyey ee CL


Weerar-yahanka Liverpool Daniel Sturridge, ayaa sheegey in uu aad ugu kulul yahay in uu wacdaro ka dhigo kulanka Champions League ee kooxdiisa ay la dheeli doonto kooxda Serbia ee Maribor.

Sturridge, ayaa kulankiisa ugu horeeyay ee Champions League sanadkan in uu safto caawa marka ay kooxdiisa Liverpool ay la dheesho kooxda Maribor.

Sturridge, ayaa naadiga Liverpool ku soo biirey 2013, waxana markaasi kaliya naadigiisa ay u suuragashay in ay laba jeer koobkani u soo baxaan, nasiib darose waxa uu 28 jirkan ku maqnaa dhaawacyo.

XS
SM
MD
LG