Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhul-gariir ka Dhacay Dalka Afghanistan


Dhul-gariir ayaa Sabtidii ku dhuftay dhulka buuralayda ah ee Wqooyi Bari Afghanistan, kaas oo laga dareemay dalka dariska ah ee Pakistan.

Hay’adda Geolojiga Maraykanka ayaa sheegtay in awoodda dhulka gariirkani ay ahayd 5.2, kaas oo ka dhacay gobolkan Hindu Kush. Waaxda Saadaasha ee dalka Pakistan ayaa iyaduna awoodda dhulgariirkan ku sheegtay inay ahayd 5.7.

Ilaa iyo hadda lama soo warin wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah toona.

Bishii October ee sanadkii 2015kii ayaa isla gobolkaas, Hindu Kush waxa ku dhuftay dhulgariir ay awooddiisu ahayd 7.5, kaas oo dilay ugu yaraan 4 boqol oo qof.

XS
SM
MD
LG