Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ancelotti oo Baddalaya Conte


Carlo Ancelotti
Carlo Ancelotti

Iyadoo shaki weyn uu ka jiro mustaqbalka tababaraha kooxda Chelsea Anotinio Conte ayay Chelsea bilowday inay sii carbuunato macalinka badalka u noqon doono Conte, haddii uu kooxda ka tago.

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in Carlo Ancelotti oo ah tababare u dhashay Talyaaniga uu dib ugu soo laaban doono kooxdiisii hore ee Chelsea marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Conte ayaa uga tagaya Chelsea khilaafaad dhinaca farsamada ah oo soo kala dhexgalay isaga iyo maamulka sare. Waxaa la filayaa inuu qabto xilka tababaraha kooxda AC Milan.

Ancelotti ayaanan wax shaqa ah hadda heyn, kadib marki laga soo eryay xilka tababaranimo ee Bayen Munich ee dalka Jarmalka bishi lasoo dhaafay.

Horay wuxuu usoo leyliyay kooxaha AC Milan, Chelsea, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

XS
SM
MD
LG