Isku xirrada

War Deg-Deg ah

15 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay J/Hoose


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 qof ay ku geeriyoodeen dagaal shalay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni oo ka tirsan gobolka.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii ay ciidamada Jubaland weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabab ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni.

Dadka geeriyooday ayaa u badan dhinacyadii dagaalamay, waxaana jira dad rayid ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka, inkasta oo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

XS
SM
MD
LG