Waxaa xalay dhacay ciyaaro xiisa lahaa oo ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga. Kooxda Napoli ayaa dib usoo ceshatay hogaanka oo ay si ku meel gaar ah u heysay Inter muddo hal maalin ah.
Napoli oo aanan dhinaceeda dhulka la dhigin tan iyo intii uu bilowday horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkaan, ayaa waxaa ay 3-1 ku garaacday Genoa.
Laba ka mid ah goolasha waxaa u saxiixay weeraryahanka u dhashay dalka Belguim Dries Mertens, halka goolka kalana uu ahaa mid uu kooxdiisa ka dhaliyay Ervin Zukanovic oo Genoa u dheela. Goolka calanka Genoa waxaa saxiixay Adel Taarabt.
AC Milan oo aanan wax guul ah ka helin horyaalka muddo bil ah ayaa xalay 4-1 ku qabatay kooxda Chievo Verona. Goolasha waxaa kala qeybsaday Suso, Hakan Calhanoglu iyo Nikola Kalinic, halka kan afraadna uu shabaqiisa ku leexiyay Bostjan Cesar. Goolka kaliyah ee Chievo waxaa dhaliyay Birsa oo horay ugu soo ciyaaray Milan.
Natiijo tan milan la mid ah waxaa ku badisay Juventus oo laakinse soo bandhigtay ciyaar uusan jecleysan macalin Allegti. Juve oo 4-1 ku martay SPAL waxaa goolasha u kala dhaliyay Federico Bernardeschi, Paulo Dybala, Gonzalo Higuain iyo Juan Cuadrado. Dhanka SPAL waxaa goolka keenay Alberto Paloschi.
Lazio oo sanadkaan laga yaabanyahayna, waxay 2-1 ku garaacday Bologna. Halka Roma ay 1-0 ku suuldaartay Crotone.
Ciyaaraha kalana:
Atalanta 3 - 0 Hellas Verona
Cagliari 2 - 1 Benevento
Fiorentina 3 - 0 Torino
Sassuolo 0 - 1 Udinese