Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Dab ka kacay kaalin shidaal


Meel gubaneysa (Sawir hore)
Meel gubaneysa (Sawir hore)

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dab uu ka kacay kaalin shidaal oo ku yaalla Afar Irdoodka magaalada.

Weriyaha VOA ee magaalada Boosaaso ayaa soo sheegaysa in foostooyin shidaal ah ay qarxayaan isla markaana uu cirka isku shareerayo ololka goobta kasoo baxaya.

Dadka magaalada ayey caawa soo waajahday cabsi ku aaddan in dabkaasi ku fido meelo kale.

Ilaa haatan ma cadda waxa sababay dabkan, waxaana la maqlayaa baabuurta dab damiska oo kusii qulqulaya goobta dabku ka kacay.

XS
SM
MD
LG