Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hal qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Boosaaso


Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay lix kalena ay ku dhaawacmeen laba qarax oo galabta ka dhacay meel ku dhow Saldhigga Bartamaha ee magaalada.

Sida ay VOA-da u sheegeen goobjoogeyaal, waxaa qaraxa ku geeriyoodey qof oo loo maleynayo inuu waday walxaha qarxa, halka lix qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo ay ku yalaan maqaayado iyo goobo lagu shaaho oo ay u badanyihiin ciidamada Saldhigga Bartamaha ee magaalada Boosaaso.

Wariyeheenna Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa Qaraxa ka dib goobtaasi tagtay warbixintan ayeyna nooga soo dirtay.

Qarax ka dhacay Boosaaso
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:10 0:00

XS
SM
MD
LG