Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: Twitter la'aantiis madaxweyne ma noqon lahayn


Madaxweyne Donald Trump
Madaxweyne Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa difaacay isticmaalkiisa barta twitter-ka iyo siyaasiyiinta uu kula doodo, isaga oo sheegay, in mararka qaar ay taas ku qasabto “Inay sameeyaan wiixi laga rabay”.

Trump ayaa u sheegay Fox News “Xaqiiqdaa mararka qaar wax bay caaweysaa, haddaan si daacad kuula hadlo”

Sharci dejiyayaasha Jamhuuriga ayaa marar badan soo jeediyey in Trump uu joojiyo isticmaalkiisa tirada badan ee Twitter-ka, hase yeeshee wuxuu yiri “Xaqiiqdii shaki ayaa igaga jira inaan madaxweyne ahaan lahaa, baraha bulshada la’aantood”

Waxa uu sheegay in baraha bulshada ay yihiin hab uu fikradihiisa ugu gudbiyo dadka, ayada oo aysan beddelin warbaahinta, sababta oo ah buu yiri “Waxaa jira warbaahin been abuur ah, oo iila dhaqanta si aan dhex dhexaad ahayn”

“Dadka doonaya inaan soo tweet garayn waa cadowga, dadka aan jecleyn wixii dhacay iyi guushii aan ka gaaray doorashada.”

XS
SM
MD
LG