Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Manchester United oo Dhulka la Dhigey; Man City iyo Chelsea oo Badiyay


Kooxda Manchester United ayaa guul darro naxdin badan kala kulantay kooxda Huddersfield Town kulan ka tirsan horyaalka Ingriiska.

United ayaa laba gool iyo gool ku dhameystay ciyaarta, taas oo ka dhigtay in naadiga Manchester ay dhibco kaga khasaaraan horyaalka.

Ciyaar-yahannada Aaron Mooy iyo Laurent Depoitre laba gool deg deg ah ka dhaliyay Manchester United daqiiqadihii 28-aad iyo 33-aad. Guushaasi

Marcus Rashford ayaa goolka madiga ah u dhaliyay naadiga Manchester daqiiqaddii 78-aad, laakiin kuma filnaan naadiga goolkaasi.

Waa guul daradii ugu horeysay Manchester ee ka soo gaarta horyalkaan tan iyo markii uu billowdey.

Dhanka kale, Kooxaha Manchester City iyo Chelsea ayaa guulo muhim ah gaarey.

City ayaa ​ seddex gool iyo waxba kaga adkaatay kooxda Burnley; halka Chelsea-na ay afar gool iyo laba kaga adkaatay kooxda ​Watford.

XS
SM
MD
LG