Tababaraha kooxda Everton Ronald Koeman, ayaa sheegey in uu kalsooni buuxda uu ku qabo maamulka kooxda, inkastoo ay si aan wanaasagneyn ku billowdeen xilli ciyaareedkan.
Kooxda Toffees ayaa qarash gareysay in ka badan £100m , balse waxay laba dhibcood ka sareeyana qeybta loogu laabanayo horyaalka labaad ee dalka Ingriiska.
Ninka iska leh saamiga ugu badan naadiga Farhad Moshiri iyo guddoomiyah akooxda Bill Kenwright ayaa soo booqday xarrunta tababarka kooxda, halkaas oo ay kula hadleen sidoo kale Koeman, isbuucii la soo dhaafay.
Koeman, ayaa yiri "Waxaanu kawada hadalney kubadda cagta."