Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbax ka dhacay Muqdisho


Banaanbax ka dhacay Muqdisho
Banaanbax ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa ka dhacay banaanbax ayay dadweynuhu ku muujinayaan dareenkooda, islamarkaana ay uga soo horjeedaan ciddii gaystay qaraxii 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb galay mas'uuliyiin ka tirsan dawlada Soomaaliya, ururada bulshada rayidka iyo dadweynaha ku dhaqan degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, sida ay waraku ay nagu soo gaadhayaan waxaa la fasaxay dugsiyadii waxbarashada iyo jaamacadihii banaanbaxan aawadiis.

Sida uu wariyaha VOA ee Muqdisho uu noogu soo waramay, waxaa sidoo kale la baajiyey kulan uu maanta yeelan lahaa golaha shacabka ee Soomalaiya.

Banaanbax kan magaalada Muqdisho la mid ah, ayaa sidoo kale ka dhacay qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG