WASHINGTON. D.C —
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in duqayn dhinaca cirka ah ay ka dhacday gelinkii danbe ee Isniinta meel u dhow Bariire.
Duqayntan ayaa lala beegsaday maleeshiyada ururka Al-Shabab, sida ay sheegayaan waran xogogaal ah.
Cidna ma sheegan inkastoo inta badan duqaymaha deegaankaas ka dhaca ay gaystaan diyaaradaha drones-ka Maraykanka.
Toddobaadkii hore ayey ahayd markii degaankaas ay kasoo baxeen ciidamada dawladda Soomaaliya.