Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Italy Ma Usoo Bixi Doonta Koobka Aduunka


Xulka Talyaaniga
Xulka Talyaaniga

Waxaa galabta lagu dhawaaqay isku aadbka ciyaaraha lagu kala soocayo xulalka ugu danbeeya ee Qaarada Yurub ee aadi doona koobka aduunka ee sanadka danbe ka dhici doona dalka Russia.

Talyaaniga ayaa si toos ah ugu soo bixi waayay marki ugu horreysay ku dhawaad 20 sano, balse hadda waxaa ka xigta inuu ka mid noqdo xulalka ka qeybgali doona ciyaaraha aduunka ee 2018-ka, laba is arag oo uu la dheeli doono xulka Sweden.

Xulalka kale ee Yurub, waxay isugu aadeen sidaan. Waqooyiga Ireland ayaa fooda dari doonta Switzerland. Hadii ay kasoo badiyaan waxay noqoneysaa marki ugu horreysay oo ay aadi doonaan koobka aduunka muddo 31 sano ah kadib.

Xulka kale ee ay mataanaha yihiin ee Jamhuuriyadda Ireland ayaa ku dhaceysa xulka . Halka Croatia ay la ciyaari doonto Greece.

Ciyaarahaan ayaa dhici doona bisha November ee soo socota.

XS
SM
MD
LG