Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallanqeyn: Maxaa laga baran karaa qaraxii Muqdisho?


Warsaxaafadeed ay soo saartey wasaarada warfaafinta ayaa lagu sheegey in ay korortey tirada dadka ku dhintey qaraxii ka dhacay Zope, magaalada Muqdisho.

Tirada dhimashada ayaa la sheegey in ay gaartey 276. Tirada dhaawacyada ayaa lagu sheegey 300 oo qof kuwaasoo la kala geeyey cusbitaalada magaalada.

Haddaba masiibadan ka dhacday magaalada Muqdishu ma midayn kartaa dadka Soomaalida ah? Maxaase cashar ah ee laga baran karaa?

Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf uu hordhigay Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo horeyna usoo noqday agaasimaha nabads-ugidda Soomaaliya iyo Cabdi Xasan Xuseen Cabdi Yare oo isna horey usoo ahaa madaxa sirdoonka ee Punland.

Ugu horrayna waxaa hadalka qaatay Axmed Macalin Fiqi oo ka jawaabaya bal inta uu le’ekaa qaraxa ka dhacay Muqdishu awooddiisa?

Wareysi: Axmed Macallin Fiqi iyo Cabdi Yare
please wait

No media source currently available

0:00 0:13:27 0:00

XS
SM
MD
LG