Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaar ka mid ah dhaawacyadii Muqdisho oo loo qaaday Turkiga


Turkey
Turkey

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdisho ka dhacay 14-kii October ayaa maanta loo qaaday dalka Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay dadkan oo gaarayey illaa 34 qof kuwaa soo qabay dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October .

Dowladda ayaa sheegtay in dadka la qaaday ay dhaawacyadooda ahaayeen kuwo aan dalka wax looga qaban karin.

Dhaawacyada ayaa lagu qaaday diyaarad qaas ah oo ay leeyihiin Ciidamadda Turkigu, waxaana ka hor inta aan la qaadin dhaawacyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo ay wehliyaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo u yimid dalka iney ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dhaawacyada.

Dhinaca kale Warsaxaafadeed ay soo saartey wasaarada warfaafinta ayaa lagu sheegey in ay korortey tirada dadka ku dhintey qaraxii ka dhacay Zope, magaalada Muqdisho. Tirada dhimashada ayaa la sheegey in ay gaartey 276. Tirada dhaawacyada ayaa lagu sheegey 300 oo qof kuwaasoo la kala geeyey cusbitaalada magaalada.

XS
SM
MD
LG