WASHINGTON. D.C —
Ciidamada milatariga Turkiga ayaa Jimcihi shalay gudaha u galay dalka ay deriska yihiin ee Suuriya, si ay goob xasaradaha ka caagan uga hirgeliyaan gobolka Idlib ee dalka Ciraq.
Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa ku warrantay in ay xadka Turkiga ka tallaabeen ilaa iyo 30 baabuurta gaashaaman oo ay la socdaan in ka badan 100 askari oo ka mid ah kumaandooska Turkiga.
Faah-faahinta iyo ujeedada ka danbeysa gelitaanka ay ciidanka Turkiga galeen Suuriya, ayaa Nur Bukhaari uu ka wareystay wariye Bashir Macalin Khalif oo dagan magaalada Istanbul.