Isku xirrada

Tababarii Xulka K.Cagta Mareykanka oo Is-casliley


Bruce Arena, ayaa iska casiley xilka tababarnimo ee xulka kubadda cagta dalka Mareykanka, kadib markii ay ku guul dareysteen Mareykanka in ay u soo baxaan koobka adduunka ee sanadka 2018 lagu qaban doobo dalka Ruushka.

Dunida kubadda cagta, ayaa amakaag la soo dersay kadib markii xulka Mareykanka oo u baahnaa bar baro ama reysmo si ay ugu soo baxaan koobka adduunka ay guul daro laba gool iyo gool kala kulmeen kooxdii ugu hooseysay guruubka CONCACAF ee Trinidad and Tobago.

Guul daradaasi, ayay u saamaxdey xulalka dalalka Panama iyo Honduras inay soo baxaan, Mareykankuna uu ka horo koobka adduunka tan iyo 1986-kii.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG