Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man City oo Wali Rabta Alexis


 Alexis Sanchez
Alexis Sanchez

Kadib marki ay xagaagi lasoo dhaafay ku guuldarreysatay in ay soo xero geliso Alexis Sanchez ayay kooxda Manchester City qorsheyneysaa mar kale inay isku daydo bisha Janaayo ee soo socota.

Qaar ka mid ah wargeysyada ka faallooda ciyaaraha kubadda cakta ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in Manchester City ay soo yareysay lacagta ay ku rabto weeraryahanka kooxda Arsenal Alexis Zanchez oo ay ka dhigtay 20 milyan oo lacagta Ingiriiska ah.

Arsenal ayaa ku adkeystay in Sanchez uusan iib aheyn bishi June ilaa bishii August kadib marki ay soo dalbeen kooxo dhowr ah oo ka dhisan Yurub.

tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa hadda rumeysan in maadaama qandaraaska uu Alexis kula jiro Arsenal dhacayo bisha June ee sanadka soo socda, ay ku heli karaan lacag ka yar tii ay ku rabeen bishi June.

Sanchez oo u dhashay dalka Chile ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu isaga tago Arsenal oo uu la joogay wax ka badan laba xilli ciyaareed.

XS
SM
MD
LG