Isku xirrada

Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Somalia oo Iscasilay


Waxaa galabta ah iscasilay wasiirkii Gaashaandhigga iyo taliyihii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada, kullankoodii toddobaadlaha ee ay maanta Muqdisho ku yeesheen.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng: Cabdiraxman Cumar Cusmaan Yariisow ayaa VOA-da u sheegay in Wasiirka uu isu casilay arrimo shaqsiyadeed.

Dhanka kale, wax yar ka hor iscasilaadda Wasiirka, waxaa wasaaradiisu ay u gudbisay golaha wasiirada iscasilaadda Taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) oo isna sheegay inuu iscaslay.

Wariyeheenna Jamaal Axmed Cusmaan ayaa arrintan ka wareystay wasiirka Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Cabdiraxman Cusmar Cusman Eng. Yariisow.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG