Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xamas iyo Fatax oo Heshiis Gaaray


Kooxda Xamas ee Falastiin ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay kooxda ay iska soo horjeedaan ee Fatax, kaasi oo ku saabsan dib u heshiisiin siyaasadeed.

Hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyah ayaa bayaan uu soo saaray maanta ku sheegay in labada dhinac ay heshiis gaareen kadib wada-hadallo laba maalmood ka socday magaalada Qaahira oo ay soo agaasintay dowladda Masar.

Haniyah ayaa sheegay in faahfaahinada heshiiska ay goor dambe oo maanta ah kaga dawaaqi doonaan magaalada Qaahira.

Afhayeen u hadlay kooxda Xamas ayaa sidoo kale heshiiskan ku xaqiijiyey wareysi uu siiyey wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

Heshiiskan ayaa imanaya ayada oo Xamas ay bishii tagtay u ogolaatay dhaqaaqa Fatah ee uu hoggaamiyo madaxweyne Mahmoud Abbas inay dib ula wareegaan maamulka magaalada Gaza.

Xamas ayaa marinka Gaza iyo labada milyan ee qof ee ku nool maamuleysay tan iyo sanadii 2007, markaasi oo dagaal kooban ay kula gashay Fatah.

Labada dhinac ayaa sanaddii 2014 isku raacay dhismaha dowlad mideysan, hase yeeshee Xamas ayaa sii wadday maamulka Gaza.

Israel ayaa 10 sano waxay xanibaad ku haysaa Gaza, waxaana sidoo kale xiran inta badan xuduudda Gaza iyo Masar, taasi oo burburisay dhaqaalaha magaalada.

XS
SM
MD
LG