Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo ku Baaqay Midnimo


Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo saaray warsaxaafadeed ku aadan shirkii madaxda maamul goboleedyada ugu soo dhammaaday Kismaayo ayaa ku baaqay midnimo.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed”

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah, buu yiri, in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

XS
SM
MD
LG