Isku xirrada

Goolkii Sababay in Mareykanka uu Haro oo Muran uu ka Jiro


Haddii FIFA ay qarashaad badan gelin laheyd tignoolajiyadda sheegta in kubaddu ay dhaaftay xariiqinta goosha, maanta Mareykanka waxay ka mid noqon laheyd dalalka ka qeyb galaya koobka adduunka ee sanadka 2018.

Kooxda Mareykanka ayaa uga maqnaan doona koobka adduunka, sababtoo ah waxay eersadeen jiritaan la'aanta nidaamka tignoolajiyadda goolasha sheega ee kulamadii CONCAF ee dhacay.

Panama ayaa gool bareejo ah ka dhalisay kooxdii Costa Rico, kaas oo marna aanan dhaafin xariiqinta goosha, waana goolkii ay eersadeen kooxdii Mareykanka.

Haddii goolkaasi aanu jiri laheyn Mareykanka maanta waxay joogi lahayeen koobka adduunka.

Panama waxay laba gool iyo gool kaga adkaatay kooxda Costa Rica oo mar hore iyadu koobkan u soo baxday.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG