Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad ka Dhex Oogan Mareykanka iyo Turkiga


Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay “inay aad uga niyad jabtay” go’aanka dowladda Turkiga ay ku xirtay laba ka mid ah shaqaalada safaaradda Mareykanka, xilli ay sare usii kaceyso xiisad ka dhex oogan labada dal.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa markii labaad waxa ay toddobaadkii tagey xireen shaqaale ka tirsan howlgalka Mareykanka ee Turkiga, taasi oo dhalisay in safiir John Bass uu ku dhawaaqo inuu joojiyey dhammaan fiisooyinkii Mareykanka ee la siin jiray dadka Turkiga.

Turkiga ayaa kadib ku aargutay inay hakiyeen dhammaan fiisooyinkii dadka Mareykanka.

Talaadadii ayaa Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxay xaqiijisay in shaqaale saddexaad oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ay u yeereen mas’uuliyiinta Turkiga. Shaqaalahaas ayaan si rasmi ah loo xirin.

“Ficilladan waa kuwa aad noo dhibaya” Waxaa sidaas tiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Heather Nauert.

Saraakiil ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson uu wacay dhiggiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu. Labada dal ayaa ka wada hadlay xiisaddan.

XS
SM
MD
LG