Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab Rayid ku Dilay Sh/Hoose oo Iyagiina la Dilay


Shabaab
Shabaab

Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ku rasaaseeyay afar qof oo rayid ah oo saarnaa gaari, halkaas oo ay ku dileen saddex ka mid ah, mid kalena ay ku dhaawaceen.

Maleeshiyadaa oo watay gaari iyo mooto oo shan qof ahaa ayaa markii dambe waxay dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku raad joogay, kuwaa oo markii dambe dilay afar ka mid ah maleeshiyada.

Wariyeheenna Sahra ciidle Nuur ayaa dhacdadan ka wareysatay Cali Nuurre oo ah gudoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka Shabeellaha Hoose.

Dhageyso Weerar Shabellaha Hoose Kadhacay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:14 0:00

XS
SM
MD
LG