Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Liberia oo Madaxweyne Cusub Dooraneysa


Xiddigii hore ee kubadda cagta Goerge Weah ayaa ka mid ah musharaxiinta
Xiddigii hore ee kubadda cagta Goerge Weah ayaa ka mid ah musharaxiinta

Codbixiyayaasha dalka Liberia ayaa maanta codadkooda ka dhiibanaya doorashada madaxweyne ee dalkaas, oo astaan u noqon doonta markii ugu horeysay ee si dimqoraadi ah xukunka dalkaas lagula kala wareego, muddo 70 sano ah.

2.1 milyan oo qof oo u diiwaan gashan inay codeeyaan, ayaa dooran doona madaxweynaha beddelaya Ellen John Sirleaf oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Africa.

Sirleaf ayaa xukunka ka dageysa kadib markii ay dhameysatay laba waqti oo min lix sano ah oo uu dastuurka dalkaas u ogolaanayo.

20-ka musharax ee ku loolamaya inay beddelan Sirleaf ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkeeda Joseph Bokai, xiddigii hore ee kubadda cagta George Weah, hoggaamiyaha mucaaradka Charles Brumskine, iyo madaxii hore ee fulinta shirkadda Coca Cola Alexander Cummings.

Kaliya hal haween ayaa u sharax madaxweyne, halka haweeney kale oo lagu magacaabo Jewel Howard Taylor, ay ku-xigeen ahaan ula ordeyso George Weah.

Taylor waa xaaskii hore ee madaxweynihii hore ee dalkaas iyo dagaal ooge Charles Taylor, oo lagu helay dambiyo dagaal oo ku saabsan inuu ku lahaa dagaalkii Sierre Leone.

Haddii musharaxna uusan ku guuleysan 50% codadka, sida la filayo, labada musharax ee ugu codadka badan, ayaa doorasho kala bax ah ku loolami doona bisha November.

XS
SM
MD
LG